
Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaa guutada 14-ka October ayaa howlgalo qorsheysnaa ka fuliyay saacadahii lasoo dhaafay deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidanka ayaa ka sameeyay howlgalada tuulooyinka kala ah Malable, Siigaale iyo Buulo Arundi oo ah dhamaantood deegaano hoostaga deegaanka Janaale ee gobolka Shabeellaha hoose, halkaas oo ay ku sugnaayeen maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab.
Dhanka kale Taliye Munye ayaa sheegay in howlgalada noocaan ah ay ciidamada dowladda sii wada yaan inta kooxda Al-shabaab laga saarayo guud ahaan deegaanada ay kaga sugan yihiin gobolka Shabeellaha Hoose.
Gobolka Shabeellaha Hoose waxa uu ka mid yahay gobolada ay sida xoogan ugu sugan yihiin maleeshiyaadka Al-shabaab waxaana halkaasi ciidamada xoogga dalka ay mudo dheer ka wadaan howlagalada ka dhanka kooxda Al-shabaab.
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag