October 7, 2025

dowlada Eritrea oo si kulul uga jawaabtay hadal ka soo yeeray R/Wasare Abiy Ahmed

Wasiirka warfaafinta Eritrea ayaa ku eedeeyay xisbiga talada haya Itoobiya in ay wadaan hanjabaado militari oo aan loo meel dayin oo ka dhan ah Eritrea.

Wasiir Yameni Gebremeskel, ayaa qoraal uu soo dhigay boggiisa rasmiga ah ee X ku sheegay, in saraakiisha Xisbiga Prosperity iyo “kuwa ka soo horjeeda” ay dib u bilaabeen “hanjabaado militari” oo “aan sal lahayn” oo ka dhan ah Eritrea.

Wasiirka waxa uu hadalkan jeediyay ka dib markii raysal wasaare Abiy Axmed uu dood laga siidaayay telefishanka qaranka ku soo hadal qaaday arrinta Badda Cas, isaga oo sheegay in “khaladkii” Itoobiya ka gashay ka tanaasulka dekedda Casab ee Eritrea “la sixi doono berri.”

“Muddo kun sano ah, ma aannaan awoodin inaan ka faa’iideysanno Webiga Nile, oo aynu ka helno adeegyada ay ahayd in uu bixiyo. Sida oo kale, waxaan joognay Badda Cas ilaa 30 sano ka hor. Joogitaankaas wuxuu ahaa taariikh dhaw oo shalay ahayd.”, ayuu yiri Abiy.

Wasiirka Warfaafinta Eritrea, Yaman Gebre Meskel, ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ku eedeeyay saraakiisha Xisbiga Prosperity, inay waji kale u yeelayaan taariikhda soo jireenka ah ee Eritrea.

Janaraalka, oo sharraxay sida dekedda Casab loogu wareejiyay Eritrea markii Eritrea ay xornimada qaadatay, ayaa sheegay in dawladdii ku meel gaarka ahayd ee xilligaas aanay haysan “awood sharci ah oo ay bad ku bixin karto.”

Ethiopia waxay ahayd waddan aan bad lahayn tan iyo markii ay Eritrea xornimada qaadatay 30 sano ka hor, waxayna isticmaali jirtay dekedda Jabuuti ganacsigeeda soo dejinta iyo dhoofinta tan iyo markaas.

Xiisad ayaa ka dhex taagneyd labada dal ka dib markii raysal wasaare Abiy uu bayaan ku sheegay in arrinta helitaanka badda ay tahay arrin jiritaan.

 Ra’iisul Wasaare Abiy ayaa sheegay in Itoobiya ay doonayso inay si nabad ah oo ganacsi ku salaysan ku hesho marin badeed, haddana Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ayaa ku eedeeyay inuu “hurinayo rabshado.”

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*