Sida laga Sooxigtay Maamulka Puntland ayaa sheegay in Mashruucan la bilaabay November 20, 2024, ayaa si rasmi ah ku soo gaba-gaboobay August 2025, waxaana lagu tilmaamay tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo kaabayaasha ciidanka booliska ee gobollada kala duwan.

Munaasabadda lagu wareejinayay dhismayaasha ayaa ka dhacday magaalada Garoowe ee caasimadda maamulka Puntland, waxaana goobjoog ka ahaa mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland iyo saraakiil sare oo booliska ah.
Dhismayaashan cusub ayaa qayb ka ah qorshaha ballaaran ee Puntland ku doonayso horumarinta amniga iyo casriyeynta adeegyada booliska dalka, taas oo gacan ka geysan doonta sugidda xasilloonida, ilaalinta muwaadiniinta iyo kobcinta kalsoonida shacabka.
Dhismayaasha cusub ee loo dhisay booliiska Puntland ayaa kala ah:
1. Taliska Guud ee Booliska Puntland 2. Saldhigga Magaalada Garowe 3..Taliska Xerada Xergoble
4. Taliska Qaybta Bari 5. Taliska Qaybta Karkaar 6. Taliska Qaybta Mudug7. Taliska Qaybta Sanaag
8. Saldhigga Dhahar 9. Saldhigga Taraafikada Boosaaso

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag