R/ Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, iyo wafdi uu hoggaaminayo, ayaa gaaray caasimadda dalka Serbia ee Belgrade, halkaas oo ay uga bilaaban doonto booqasho rasmi ah oo la xiriirta xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee ka dhexeeya labada dal.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxda Serbia ayaa ka wada hadli doono arrimo muhiim ah, oo ay ka mid yihiin iskaashiga ganacsiga, wada-shaqaynta dhinaca amniga, iyo is-dhaafsiga tacliinta iyo dhaqanka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa soo gaba-gabeeyey safar shaqo oo uu maalmahaan ku joogay dalka Shiinaha, halkaas oo uu uga qayb galay Shirka 7aad ee China-Arab States Expo, oo lagu qabtay magaalada Yinchuan.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo khudbad taariikhi ah ka jeediyay furitaanka Bandhigga 7aad ee Carabta iyo Shiinaha (China-Arab States Expo) ee lagu qabtay magaalada Yinchuan, ayaa soo bandhigay horumarka iyo fursadaha dalkeenna ka jira.
Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay qaadday waddo cusub oo horumarineed, taas oo diiradda lagu saarayo nabadda, amniga, dib-u-habeynta sharciyada, iyo dhiirrigelinta maalgashiga.


Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag