
Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ee saldhigga Ceelasha Biyaha ayaa ku guuleystay qabashada koox burcad ah oo lagu eedeeyay inay khal-khal geliyeen amniga deegaanka isla markaana dhac u geysteen dad shacab ah.

Eedeysanayaasha la soo qabtay ayaa kala ah:
Dable X.G.D. Nuur Muxiyadiin
Dable X.G.D. Yaasiir Cali Abukar
Cabdi Kaafi Ibraahim Shariif
Sida ay xaqiijiyeen saraakiisha booliska, eedeysanayaashan ayaa hadda ku jira gacanta Ciidanka Boliiska waxaana loo gudbin doonaa maxkamadda awoodda u leh si loogu marsiiyo sharciga dalka.
Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa shacabka ugu baaqay inay si dhow ula shaqeeyaan laamaha amniga, si wadajir loogu adkeeyo nabadda iyo xasiloonida guud ee caasimadda.
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag