October 7, 2025

Ciidamada Puntland Oo Weerar Xoogan Ku Qaaday Kooxda Daacish ee G/Bari

Ciidamada  maamulka Puntland , ayaa saakay  howlgal balaaran ku qaaday  kooxda Daacish ayagoo doonaya in ay ka  saaraan deegaanno iyo fariisimo ay ku leeyihiin dhulka buuraha ee hoostaga degmada Qandala.

 ciidamada  Puntland ayaa dhoor jiho ka weeraray aagga Dhasaan ee degmada Qandala, waxa ayna ciidamada doonayaan in aagaan ka saaraan Kooxda  Daacish oo la sheegay in fariisimo ku leeyihiin.

Dhanka kale Saraakiisha ciidanka Puntland ee howlgalka hoggaamineysa ayaa sheegay in ciidankooda ay hadda kusii siqayaan degaanno ay ku jiraan Af-cad, Xankookib .Dhasaan, Iyo Deegaano kale  deegaanadaan ayaana la sheegay in ciidamada qarka u saaran yihiin in Daacish kaga saaraan dagaal la’aan.

Sidoo kale Ciidamada Puntland ayaa hada gebogabo marsiinaya wajiga labaad ee howlgalka lagu ciribtirayo argagaxisada Daacish, waxa ayna ciidamada mar kale isku diyaarin doonaan howlgallo kale oo lagu soo afjarayo kooxda Daacish.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*