October 7, 2025

R/Wasaare Xamsa Oo u Safar dalka Shiinaha Iyo Ujeedka Safarka …………………

R/Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta u ambabaxay dalka Shiinaha, halkaas oo uu kaga qayb geli doono Shirka 7aad ee China–Arab States Expo, oo lagu qabanayo magaalada Yinchuan ee gobolka Ningxia.

Shirka oo ah madal caalami ah ayaa lagu soo bandhigayaa fursadaha iskaashi ee dhinacyada ganacsiga, maalgashiga, tiknoolojiyadda iyo tamarta, waxaana uu muhiimad gaar ah u leeyahay dalalka ka qayb galaya, gaar ahaan Soomaaliya oo dooneysa in ay xoojiso xiriirka dhaqaale iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee kala dhexeeya Shiinaha iyo waddamada Carabta.

Dhanka kale Inta uu ku sugan yahay dalka Shiinaha, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa la filayaa in uu kulamo gaar gaar ah la qaato madaxda ka qeyb galaysa shirka, iyo sidoo kale mas’uuliyiin sar sare oo ka tirsan dowladda Shiinaha.

Kulamadan ayaa diiradda lagu saari doonaa sidii loo xoojin lahaa xiriirka laba geesoodka ah, loona abuuri lahaa fursado cusub oo ku saabsan maalgashi, kaabayaasha dhaqaalaha, waxbarashada, caafimaadka iyo ganacsiga.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*