October 7, 2025

Qarax Khasaare geystay Oo ka dhacay Muqdisho Iyo Faahfaahin,,,,,,…………………….

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax khasaare kala duwan geystay oo maanta ka dhacay xaafada Suuqa Xoolaha ee degmada Heliwaa ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ayaa la sheegay in lala eegtay askar ka tirsan ciidanka dowladda oo marayay meel u dhaw barkoontarool oo ku taala xaafada Suuqa Xoolaha.

sida  xaqiijiyay qaraxaan waxaa ku dhintay hal ruux oo shacab ah oo maraayay wadada, waxaana ku dhaawacnay laba askari oo ka mid ahaa ciidanka qaraxa lala beegsaday.

Ciidamada qaraxa lala eegtay ayaa  howlgal kooban sameeyay goobta, iyagoo xiray mudo saacad ku dhaw isku socodka iyo dhaqdhaqaaqa wadada isku xirta Sos iyo Suuqa Xoolaha, inkastoo mudo kadib ay dib u fasaxeen isku socodka dadka iyo gaadiidka.

Ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha amaanka oo ku aadan weerarka qaraxa ah iyo howlgalka xigay oo ay sameeyeen ciidamada dowlada Soomaaliya.

Ugu dambeyntii qaraxaan ayaa kusoo aadaya, iyadoo todobaadkii lasoo dhaafay sidaan oo kale uu qarax khasaare kala duwan geystay uga dhacay deegaanka Jabad Geelle oo ka mid ah deegaanada  hoostaga Ceelasha Biyaha ee dhacda duleedka magaalada Muqdisho. 

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*