October 7, 2025

Dagaalo Ka dhacay Deegaanka Cadaan-laxeey Iyo Kooxdii alshabaab ka soo gudbisay wabiga Oo la ogaaday

Wararka aan ka heleeyno Degaano ka tirsan G/SH/Dhexe ayaa sheegaya  in ay ka dhaceen dagaal xoogan saakay deegaanka Cadaan laxeey ee degmada Ruun-nirgood.

 

Dagaalka waxaa soo qaaday maleeshiyada alshabaab hase ahaatee dagaalkaasi ayaa la sheegayaa in lagu jebiyay alshabaab waxaana ka hortagay Ciidamada Dowlada Somaliya Iyo Macaawiisleeyda Deegaanka .

Dhanka kale Sida aan xogta ku heleeyno waxaa socda abaabul xoogan oo ka dhan ah Maleeshiyada alshabaab .

Sidoo  kale  alshabaab ayaa dhawaan la wareegay deegaano badan ee ka tirsan G/SH/DHEXE  Inkastoo ay jiraan Tuhun ah in alshabaab lagu soo hogaamiyay deegaanada al wareegeen sida DEEGAANKA CALI FOOLDHEERE.CEELBARAF IYO CAADLEEY.   

Dhinaca Kale Mid ka mid ah alshabaab ayaa gacanta lagu dhigay Waxaana Gacanta Ku dhigay Macawiisleeyda Degmada Mahadaay. Waxaana uu  sheegay in laga soo gudbiyay wabiga ayna masuul ka ahaayeen Saraakiil lagu sheegay magacyadooda Sida Taliya Booliska Hirshabelle Xasan dhicisow  Iyo Taliye Cali xuubeey Taliye Cumar Cali Iyo Rag kale oo sheeganaya Magaca Dhaqanka Iyo Maamulka Hirshabelle. “Ragaani ayaa nagu Yiri Ciidan majoogo ee ka soo gudba wabiga sidaa ayaan uga soo gudubnay wabiga ayuu yiri”

 

Hase ahaatee hadalkaan ayaa u muuqda tuhumadii laga qabay kooxdaan in ay naqanayaan warar sax  inkastoo hore ay cabasho uga muujiyeen macaawiisleeyda deegaanka Kooxdaasi balse dowlada Marna meel kama soo qaadin hadalkooda.

 

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*