October 7, 2025

R/W Xamza Ayaa Hambalyo u diray Guddoomiyaha Cusub ee Maamulka Waqooyi Bari

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa Hambalyo u diray Guddoomiyaha cusub ee Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya Mudane Aadan Cabdullaahi Aw-Xassan, kaas oo maanta lagu doortay Laascaanood.

Raiisul Wasaaraha, ayaa Alle uga baryay Guddoomiyaha cusub in uu u fududeeyo shaqada culus ee loo doortay, oo ay kamid yihiin dhammeystirka qeybaha ka haray doorashada hoggaanka maamulka.

R/Wasaare  Xamsa ayaa ku ammaanay Xildhibaannada Golaha Wakiillada sida ay uga soo dhalaaleen

mas’uuliyaddooda, isagoo xusay in Xukuumadda DanQaran ay sii wadi doonto taageerada iyo taabbagelinta maamulka, si wadajir loogu xaqiijiyo howlaha ka dhimman maamulka dhammeystirkooda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in dowladda Federaalku ay dadaal badan ku bixisay dhismaha iyo hirgelinta maamulka dowlad goboleedka Waqooyi Bari oo u taagan xoojinta midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*