October 7, 2025

Madaxweyne Hore Farmaajo Oo Hambalyo u Diray Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka Waqooyi Bari

Madaxweynaha hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa qoraal uu soo saaray ku hambalyeeyay Dr. Aadan Cabdullaahi Aw-Xasan oo maanta loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari.

Sidoo kale Maxamed Farmaajo ayaa ugu duceeyay Guddoomiyaha cusub inuu u fududeeyo masuuliyadda loo doortay, gaar ahaan dhammaystirka doorashada, hoggaaminta Golaha Baarlamaanka, iyo dheelli-tirka dowladnimada Waqooyi Bari.

Sidoo kale, Madaxweynaha hore ayaa bogaadiyay xildhibaanada, guddiga kumeelgaarka ahaa iyo guddoonkii hore ee doorashada, isaga oo ku ammaanay sida wanaagsan ee ay u dhammaystireen howsha doorashada guddoonka Baarlamaanka.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*