
R/ Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, H.E. Wang Yu, iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dal.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa uga mahadceliyay dowladda Shiinaha taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada siyaasadda, amniga, horumarinta dhaqaalaha, iskaashiga iyo arrimaha bini’aadantinimada.
Dhankiisa, Danjire Wang Yu ayaa tilmaamay in Soomaaliya iyo Shiinaha uu ka dhaxeeyo xiriir qoto dheer oo taariikhi ah, isagoo ballan qaaday in Shiinuhu sii wadi doono taageerada ay la garab taagan yihiin shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag