October 7, 2025

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgal ka bilaabay waddada Baydhabo iyo Waajid

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa hawlgal sifeyn ah ka bilaabay waddada xiriirisa Magaalooyinka Baydhabo iyo Waajid ee Gobolada Baay iyo Bakool.

Cutubyo ka tirsan Ciidanka Guutada 8aad ee Qaybta 60aad oo Jimcihii ka ruqaansaday Xerada Militariga ee deegaanka Goofgaduud Buurey ayaa hawlgalka ka sameynaya waddada isku xirto labada magaalo.

Wararka ayaa sheegaya in Ururada 45aad, 46aad iyo 47aad ee Guutada 8aad ay hawlgalka sifeynta ah ka wadaan deegaano ay ka mid yihiin Xinshiloole iyo Waney, isla-markaana ay xubnaha ka tirsan Al Shabaab ka baadi-goobayaan dhulka jiqda ah ee waddada saaran.

Deegaanka Goofgaduud Buurey oo ciidamadu ay ka dhaqaaqeen ayaa 30km dhanka waqooyi kaga beegan Magaalada Baydhabo, waxayna ka mid tahay deegaanada ku yaala inta u dhaxeyso Baydhabo iyo Waajid.

Waddadan ayaa muddo dheer ahayd mid go’an oo aan la adeegsan, sida uu dhawaan sheegay Taliyihii hore Qaybta 60aad, General Xasan Isaaq Cumar (Xasan Baydhabo).

Maleeshiyada Al Shabaab ayaa la sheegaa inay waddadan u adeegsanayaan in aan la isugu kala gooshin magaalooyinkaasi, iyadoona ay maleeshiyadaasi u suurtagashay in ay kala jaraan isu socodka magaalooyinkan.

Ciidamada ayaa horey uga fogaaday isticmaalka waddadaasi, sababtu tahay weerarada jid-galka ee Al Shabaab iyo miinooyinka ay maleeshiyadu ku aastay waddada.

Joogitaanka maleeshiyada Shabaabka ee waddadan ayaa khatar ku ah Xerada Ciidanka Xoogga Dalka ee Goofgaduud Buurey, taas oo markii muddo la joogaba ay mar soo weeraraan.

Korneyl Maxamed Yariisow Aadan, Taliyaha Qaybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka oo Talaadadii ciidamada ku booqday fariisimaha ay ku leeyihiin duleedka Baydhabo ayaa u sheegay in la bilaabayo hawlgal cusub oo ka dhan ah kooxaha argagixisada.

Sidoo kale Ciidamadan ayaa waxay u muuqdaan kuwo la hawlgalaya Ciidanka Guutada 9aad ee Qaybta 60aad ee ka hawlgala Gobolka Bakool, kuwaas oo labadii toddobaad ee u dambeysay hawlgalo ka sameynayay deegaanada hoostaga Magaalooyinka Xudur iyo Waajid ee gobolkaasi.

Haddii hawlgalka lagu furayo waddadan ayaa muhiim u ah  saddexda gobol ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed 

Ciidanka Guutada 6aad ee Qaybta 60aad oo garabsanaya Guutada 14-ka October, Kumaandooska Danab iyo Ciidanka Midowga Afrika ee AUSSOM ayaa dhowr toddobaad hawlgal xiriir ah ka wada Gobolka Shabellaha Hoose.

Dhanka kale Ciidamada oo horey ula wareegay deegaanada Sabiid & Caanoole iyo Bariire ayaa ku sii siqaya Degmada Awdheegle ee gobolkaasi.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*