
Doorasho maanta ka dhacday magaalada Laascaanood ayaa lagu doortay Dr. Aadan Cabdullaahi Aw-Xasan inuu noqdo Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulka Waqooyi Bari.

Dr. Aadan, ayaa ku guuleystay cododka xildhibaanada isagoo helay 53 cod, halka musharraxii la tartamayay, Cabdiqafaar Dheeliye, uu helay 29 cod. Hal cod ayaa la sheegay inuu xumaaday.
Guddoomiyaha cusub ayaa markii lagu dhawaaqay guushiisa ku baaqay wada-shaqeyn iyo midnimo, isaga oo xildhibaanada ka codsaday inay garab istaagaan howlaha hortebinta leh ee horyaalla baarlamaanka.
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag