October 7, 2025

Dowlada Somaliya Oo u Magacaawday Amp Maxamed Nuur Cali Ameriko Maareyaaha Dekada Xamar

Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa u magacaabay Danjire Maxamed  Cali Nuur Ameriko inuu noqdo maareeyaha cusub ee Dekedda Muqdisho, taas oo ah tallaabo istiraatiiji ah oo lagu horumarinayo hufnaanta iyo howlgalka dekedda oo ka mid ah ilaha dhaqaale ee ugu muhiimsan dalka.

Dowladda Soomaaliya ayaa Maamulka Dekada Xamar u magacaawday Safiirkii hore ee Kenya Amp:maxamed cali nuur Ameriko. waxaana lagu bedelay  maareeyihii hore, Axmed Washington,  Isbedelkan maamulka ah ayaa loogu talagalay in lagu keeno hoggaan cusub iyo aragtiyo horleh oo kor u qaadi kara maamulka iyo wax-soosaarka dekedda.

Danjire Maxamed Ameriko, ayaa leh waayo-aragnimo diblomaasiyadeed, ayaa la filayaa inuu xirfadiisa ku wajahayo hagaajinta howlaha dekedda iyo xoojinta iskaashiga caalamiga ah.

Sidoo kale Shaqooyinkii hore ee uu soo qabtay ayaa si fiican ugu hogaaminaya inuu la tacaalo caqabadaha iyo fursadaha ka jira xarunta ganacsi ee muhiimka ah ee dalka.

Dhanka kale Tallaabadan ayaa loo arkaa mid muhiim u ah dadaallada dowladda Soomaaliya ee lagu dhisayo lana casriyeynayo kaabeyaasha dhaqaalaha dalka.

Ugu danbeeyntii Qaybaha kala duwan ee daneeyayaasha ganacsiga iyo maalgashiga ayaa rajo wanaagsan ka qaba in hoggaanka cusub uu horseedi doono koboca ganacsiga iyo horumarka gobolka.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*