October 7, 2025

M/Weyne Dabageed Oo Sagootisay Macawiisleyda Dhaawacyadii Ka Soo gaaray dagaalka Al-shabaab

Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf-Dabageed) ayaa garoonka diyaaraddaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho waxa uu ku sagootiyey 50 ruux oo ka mid ah xaq-u-dirirka deegaanka (Macawiisleey) kuwaas oo kasoo kabtay dhaawacyadii kasoo gaaray dagaalka lagula jiro Khawaarijta, sida lagu sheegay war ka soo baxay Xafiiska Maamulka Hirshabelle.

Qaar ka mid ah xubnaha macawiisleeyda ee maanta u safray magaalada Buulo-burte ayaa Dowladda Hirshabeelle uga mahadceliyey garab-istaaga iyo in dib ay ula midoobaan qoysaskooda oo muddo ay kala maqnaayeen.

 

Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Hirshabeelle Mudane Yuusuf Axmed Hagar ayaa kula dardaarmay: “Runtii ma jirto geesinimo ka weyn dhaawiciina kaddib inaad markale ku laabaneysaan fagaaraha dagaalka ee aad ku ciqaabteen Khawaarijta. Tani waxay rajo u tahay shacabka Soomaaliyeed.”

 

Dowladda Hirshabeelle iyo shacabka xaq-u-dirirka ayaa waqti dheer waxay dagaal adag kula jiraan Khawaarijta kusoo duushay ummadda Soomaaliyeed.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*