October 7, 2025

Maxaa Ka Soo Baxay Kulankii Wasiir Fartaag iyo Danjire El Hadji Ibrahima?

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta xarunta Wasaaradda ku qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Danjire El Hadji Ibrahima Diene, iyo wafdi uu hoggaaminayay.

Wafdiga, oo ay qayb ka ahaayeen saraakiil sare oo ka tirsan Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), ayaa la yeeshay Wasiirka kulanka diiradda lagu saaray xaaladda guud ee siyaasadda dalka, arrimaha amniga, iyo dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada.

Intii kulanka uu socday, Ergayga Midowga Afrika ayaa bogaadiyay dadaallada ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ku xoreyneyso deegaannada ay ku dhaamaaleysanayaan Khawaarijta, gaar ahaan howlgallada guuleystay ee lagu xaqiijiyay amniga iyo xasilinta goobihii ugu dambeeyay ee laga saaray Argagixisada.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*