October 7, 2025

Dowlada Itoobiya oo sheegtay in Damaceedii raadinta marin badeedka uu marayo meel muhiim ah

Wasiirka Adeegyada Isgaarsiinta Dowladda Itoobiya, Dr. Legesse Tulu, ayaa sheegay in socdaalka Itoobiya ee ku wajahan Badda Cas uu marayo meel muhiim ah, isagoo ku baaqay in warbaahinta iyo baraha dhijitaalka ah ay door weyn ka qaataan difaaca sawirka dalka iyo burburinta beenta lagu beegsanayo Itoobiya.

Hadalka Legesse ayaa yimid xafladda daah-furka barnaamijka moobilka ee EBC oo ka dhacay Arbacadii magaalada Addis Ababa. Wasiirka ayaa carrabka ku adkeeyay in dhaqaalaha Itoobiya uu koray xawaare sare toddobadii sano ee la soo dhaafay, isla markaana dowladdu ay xoogga saartay kobcinta hantida dadweynaha.

Dhanka kale wasiirku wuxuu uga digay bulshada in sawirka wanaagsan ee Itoobiya iyo horumarka gudaha lagu wiiqayo warar si ula kac ah loo sameeyay oo ka imaanaya ilo kala duwan. 

Sidoo kale Wuxuu tilmaamay in arrintani aysan ahayn mid sahlan, balse ay tahay olole ballaaran oo lagu tilmaami karo dagaal afkaar ah, kaas oo uu sheegay inay hurinayaan cadowgii taariikhiga ahaa ee Itoobiya iyadoo gacan laga helayo xulufo gudaha ah.

Mr Legesse wuxuu ku nuuxnuuxsaday in “maalmo kooban ay ka harsan yihiin dhammeystirka mashruuca Biyo-xireenka Weyn ee Itoobiya (GERD)” – oo ah mashruuca ugu weyn ee Afrika – isla markaana socdaalka Itoobiya ee ku wajahan Badda Cas uu marayo heer muhiim ah.

Hadalka Legesse ayaa kusoo beegmaya iyadoo muddadii u dambaysay ay xoog badan yeesheen doodaha ku saabsan damaca Itoobiya ee marin-badeedka, gaar ahaan Badda Cas. Dowladda Itoobiya ayaa hore u sheegtay in aysan ka maarmin inay hesho marin badeed rasmi ah, taas oo dhalisay khilaaf diblomaasiyadeed oo gobolka ka taagan, gaar ahaan xidhiidhka ay la leedahay Soomaaliya iyo Eritrea.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*