
Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay fuliyay howlgallo qorsheysan oo ka dhacay gobollada Hiiraan, Shabeellada Dhexe iyo Galgaduud, kuwaas oo lagu dilay ilaa 11 xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al shabaab, waxaana lagu burburiyay gaadiid iyo saanad ciidan.

Ciidanka NISA ayaa weerar ku qaaday guri ku yaalla deegaanka Tardo ee gobolka Hiiraan, halkaas oo shir uga socday horjoogayaal iyo xubno la shaqeynayay Al shabaab, Waxaa halkaas lagu dilay toddobo xubnood oo Al shabaab ah, waxaana la burburiyay goobtii shirarka ay ku qabsanaayeen.
Deegaanka Daarunimca ee Shabeellada Dhexe ayaa ciidanka NISA ka hortagay maleeshiyaad qorsheynayay inay weerar ku qaadaan ciidamada difaaca shacabka, kadib markii la helay xog sir ah, Howlgalkaas waxaa lagu dilay afar xubnood oo ay ku jiraan horjooge Cabdullaahi Ganeey, oo muddo dheer hoggaaminayay dagaallada Al-shabaab tan iyo 2009 sida lagu sheegay Bayaan kasoo baxay NISA.
Deegaanka Nooleeye ee Galgaduud, NISA ayaa burburisay gaari Cabdi Bile ah oo ay Al shabaab ku siddeen saanad ciidan, taas oo loogu talagalay inay carqaladeeyaan amniga degmada Ceeldheer, Ciidanka ayaa ku guuleystay in gaarigii iyo saanaddii la gubo, taas oo fashilisay qorshihii argagixisada.
Howlgalladani waxay muujinayaan sida ay NISA iyo saaxiibada caalamka uga go’an tahay la dagaallanka kooxaha argagixisada, iyo xaqiijinta amniga iyo xasiloonida gudaha ee Soomaaliya ayaa lagu soo gabagabeeyay war ka kasoo baxay NISA.
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag