
Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka ayaa weerar culus ku qaaday deegaanka Faarax Aadan iyo degaan kale oo dhanka qorrax u dhac kaga beegan degmada Xarardheere masaafo ahaan 10 KM, halkaasi oo ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka Al-shabaab.

Howlgal xooggan ayaa wali socda waxaana halkaasi ku sugnaa oo la weeraray xubno ka tirsan Al-Shabaab, sida ay sheegayaan saraakiisha ciidanka.
Sidoo kale waxaa la burburiyay fariisamo ay kooxda ku laheyd deegaanka lagu weeraray.
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag