October 7, 2025

Guddoomiye Guddomiye Muungaab oo sheegay in waddooyin laga bixin doono Suuqii gubtay ee Suuq Bacaad

 Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta kormeer ku tagay Suuqii basbeelay ee Suuq Bacaad ee ku yaala degmada Yaaqshiid, Guddoomiyuhu wuxuu ka dhawaajiyay baahi degdeg ah ee loo qabo in la hirgeliyo waddooyin nidaamsan oo dhex mara suuqyada caasimadda si loo xakameeyo khasaaraha marka ay dhacaan xaalado degdeg ah sida wixii xalay ku dhacay Suuq Bacaad.

Intii uu ku sugnaa goobta, Guddoomiye Muungaab wuxuu si cad u sheegay in dhismaha waddooyinka uu yahay qorshe ammaan iyo badbaado loogu talagalay, lagana doonayo in loo arko mid kor u qaadaya nolosha ganacsatada iyo shacabka guud ahaan, waxaana uu xusay in Suuqaan laga bixin doono waddooyin si aysan u dhicin dhibaato kale.

“Waddooyinka ma aha qorshe lagu burburinayo suuqyada ama lagu boobayo hanti dad leh, Tani waa tallaabo loogu talagalay badbaadada shacabka iyo fududeynta howsha dab-damiska, caafimaadka, iyo gurmadka degdegga ah,” ayuu yiri Guddoomiyaha.

Dabkii xalay ka kacay Suuq Bacaad ayaa sababay khasaare hantiyeed oo aad u baahsan, Ganacsato badan, sida Shukri Geedi oo sheegtay in ay ku waysay $8,000, ayaa weli la daalaa dhacaya dib-u-dhiska ganacsigooda, Waxaa kale oo lagu waayay gabar yar taasoo muujisay baahida loo qabo waddooyin u fududeeya gaadiidka gurmadka markii ay xaalado deg deg ah dhacaan.

Sidoo kale, qaar ka mid ah ganacsatada ayaa sheegay in dabku ka dhashay qashin yaallay suuqa, halka maamulka degmada uu tilmaamay in uu sababay cilad koronto, Baaritaan rasmi ahna ayaa socdaan.

Waxaa la filayaa in maamulka gobolka iyo degmada ay la shaqeeyaan ganacsatada si loo qorsheeyo waddooyin ku habboon suuqyada, Guddoomiye Muungaab ayaa xusay in mashruucyadaas lagu sameyn doono la-tashi buuxa oo lala yeelanayo ganacsatada si aan loo carqaladeynin noloshooda iyo ganacsigooda.

“Waa inaan ka faa’iidaysannaa masiibada dhacday, si aan mustaqbalka uga hortagno kuwa lamidka ah,” ayuu ku daray hadalkiisa Guddoomiye Muungaab.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*