October 7, 2025

Maxay Ka Wada Hadleen R/wasaare ku xigeenka Iyo Danjiraha UK. Ujooga Somaliya?

R/Wasaare ku xigeenka xukuumadda  Federaalka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta qaabilay Danjiraha cusub ee UK u fadhiya Soomaaliya Mr. Charles Nicholas King, kaas oo ay ka wada hadleen xoojinta iskaashiga u dhaxeeya labada dal, gaar ahaan dhinacyada amniga, siyaasadda, la-dagaallanka Khawaarijta, doorashooyinka iyo dardar-galinta Mashaariicda horumarineed ee UK ay ka taageerto Soomaaliya.

R/Wasaare ku-xigeenka ayaa Danjiraha la wadaagay guulaha ay dowladdu xaqiijisay ee ay kamid yihiin la dagaallanka Khawaarijta iyo hirgelinta doorashooyin qof iyo cod ah oo ay dadweynuhu ku soo doortaan madaxda hoggaamineyso, taas oo hadda qeybo kamid ah dalka ay ka socdaan diiwaangelinta codbixiyaasha doorashooyinka.

Danjiraha UK ee Soomaaliya Mr. Nicholas King, ayaa soo dhaweeyey shirarka wada-hadalka ee u dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya, saamileyda siyaasadda iyo qeybaha bulshada ee lagu kaabayo dowlad-dhiska Soomaaliya, horumarinta amniga iyo la dagaallanka kooxaha Khawaarijta ah.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*