January 16, 2026

Maxaa Ka Jira In uu Kala shaki Soo dhex Galay Saraakiisha NISA Dilkii Abuukar Muxudiin?

Sida ay wararka sheegayaan Waxaa soo if baxaya  kala shaki baahsan  Hay’ada Sirdoonka Qaranka ee NISA, ayadoo waxqigaan  ay baaris xooggan lagu hayaa sida uu dhacay shirqoolkii lagu dilay Dhamme Abuukar Muxudiin Axmed oo ahaa 31 jir, NISA ku biiray sanadkii 2018.

Dhamme Abuukar Muxidiin ayaa ku magacawnaa Madaxa Laanta Warqabadka, Agaasinka Sirdoonka Caasimadda (NISA), wuxuuna dilkiisu dhacay Fiidnimadii arbacadii la soo dhaafay  oo ay taariikhdu ku beegneyd 30-ka bishii Luuliyo.

Sarkaalkan ayaa gacanta ku hayey xogo muhiim ah, oo ay ka mid yihiin Qaraxii Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka badbaaday 18-kii Bishii March ee sanadkan, markaas oo qarax lala eegtay gaarigii ku xigay midkii uu Madaxweynuhu saarnaa, Dhamme Abuukar oo kiiskan baaritaankiisa loo xil saaray ayaa helay xogo muhiim ah, waxeyna shalay Barqadii ballansanayeen Madaxweynaha, balse nasiib darro waxaa shirqool lagu dilay labbo casho ka hor ballantii uu la lahaa Madaxweynaha.

Dhamme Abuukar oo ballanta isaga iyo MD Xasan maanka ku haya, ayaa ku dhacay dabin ay abaabuleen saraakiil NISA ka tirsan, kuwaas oo u diray inuu hoggaamiyo howlgal lagu soo qabanayey xubin Al Shabaab ka tirsan, kaas oo laga fulinayey Degmada Hodan, agagaarka Isbitaalka Somali-Sudanese, waxaase isla goobtaasi ku qaarijiyey Ciidamadii lagu daray ee NISA kala tirsanaa, kuwaas oo dilkiisa kadib goobta ka baxsaday, inkastoo iminka badankood ay xiran yihiin.

Arrintan ayaa shaki ballaaran dhalisay waxaana iminka kiiska dilka ah lug ku yeeshay xubno masuuliyado culus ka haya Hay’adda NISA, kuwaas oo qaarkood ay baxsadeen, kuwana ay ku socoto baaris.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*