October 7, 2025

Musharraxiinta Waqooyi Bari oo Ka Digay Faragelin Lagu Hayo Doorashada Maamulka Cusub

Musharraxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Waqooyi Bari ee Soomaaliya ayaa si wadajir ah u soo saaray war-saxaafadeed ay si kulul ugu cambaareeyeen qaabka loo wado doorashada maamulka cusub ee gobolka.

Waxay si gaar ah farta ugu fiiqeen Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka, gaar ahaan Wasiir Cali Yuusuf Cali (Cali Xoosh), oo ay ku eedeeyeen inuu si toos ah u faragelinayo hannaanka doorashada, isla markaana uu taageerayo koox gaar ah si ay ula wareegaan maamulka gobolka.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in guddiga uu magacaabay Wasiirka ee hubinta iyo ansixinta xildhibaanada aanu sharciyad buuxda lahayn, isla markaana uu u adeegayo dano gaar ah. Musharraxiintu waxay sheegeen in tallaabadan ay dhaawacayso kalsoonida bulshada ee geeddi-socodka doorashada, isla markaana ay halis u tahay in ay abuurto khilaaf bulsho iyo burbur siyaasadeed.

“Uma dulqaadan doonno hannaan doorasho oo marin habaabin ah, una adeegaya musharrax gaar ah,” ayaa lagu yiri qoraalka. Waxay ku baaqeen in doorashada lagu qabto si daahfuran, dastuur waafaqsan, oo ka tarjumeysa rabitaanka shacabka Waqooyi Bari.

Sidoo kale, waxay ugu baaqeen isimada dhaqanka, culimada, iyo hoggaanka bulshada in ay si firfircoon uga qeyb qaataan ilaalinta midnimada bulshada iyo xaqiijinta doorasho xor iyo xalaal ah.

Ugu dambeyntiina, musharraxiintu waxay ka codsadeen beesha caalamka, shacabka Soomaaliyeed iyo daneeyayaasha siyaasadeed in aysan aqbalin hannaan doorasho oo laga leeyahay dano gaar ah, ayna taageeraan geeddi-socod doorasho oo hufan, laguna kasban karo kalsoonida shacabka.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*