October 7, 2025

Dowlada Holand Oo Dalkeeda Ka Mamnuucday Wasiirada Amniga iyo Maaliyada Israel

Dagaalka Siyaasadeed ee u dhaxeya Dowladaha  Israel iyo Holand ayaa cirka isku sii shareertay ka dib markii dowladda Holand ay dalkeeda ka mamnuucday iney galaab laba wasiir oo sare oo Israa’iili ah, kuwaas oo kala ah Wasiirka Maaliyadda Bezalel Smotrich iyo Wasiirka Amniga Qaranka Itamar Ben-Gvir.

Sidoo kale Go’aankan waxaa warbaahinta u sheegay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Holand, Kasper Veldkamp, isagoo tallaabadan ku micneeyay iney qeyb ka tahay tillaabooyinka la doonayo in Israa’iil loogu cadaadiyo xaaladda Qaza ka jirta.

 Smotrich iyo Ben-Gvir  ayaa  hormuud u  ahaa  rabshadaha ka dhanka ah Falastiiniyiinta, Inay taageerayeen ballaarinta deegaamaynta sharci-darrada ah ee Yuhuudda Iyo in ay ku baaqeen nadiifin qowmiyadeed (ethnic cleansing) oo ka dhacda Gaza.

Wasiirka arrimaha Dibeda Holand Veldkamp ayaa  sheegay in mowqifyada noocaas ah ay yihiin kuwo aan la aqbali karin isla markaana ka hor imaanaya qiyamka iyo xeerarka caalamiga ah.

Safiirka Israel ee Holand ayaa lagu wargeliyay in la yeeran doono dhaq dhaqaaqyada wasiiradooda, waxaana dowladda Holand ay ugu baaqday Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu inuu dib u eego siyaasadda xukuumaddiisa ee hadda jirta.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*