
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sharif Sheekh Axmed, ahna Guddomiyaha Xisbiga Himilo Qaran ayaa war-saxaafadeed rasmi ah kasoo saaray weerarkii Al-shabaab ay ku qaadeen magaalada Maxaas ee gobolka Hiiraan, isagoo bogaadiyay naf-hurnimada ciidamada Xoogga Dalka iyo xoogagga deegaanka ee si geesinimo leh uga hortagay weerarkaas.

Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaradka Himilo Qaran Sharif Sheekh ayaa tacsi u diray halyeeyada ciidamada iyo shacabka ku dhintay weerarka, isagoo sidoo kale caafimaad u rajeeyay dhammaan dhaawacyada.
Dhanka kale Wuxuu si adag u cambaareeyay in kooxda Al-Shabaab ay weli awood u leedahay inay dib u qabsato deegaanadii horay looga saaray, gaar ahaan magaalooyin istaraatiji ah sida Maxaas, taasoo uu ku tilmaamay mid muujineysa “mas’uuliyad darro culus” oo kasoo wajahan dowladda Federaalka.
Sidoo kale Shariif Sheekh wuxuu sheegay in weerarrada ceynkan ah ay yihiin caddayn buuxda oo muujinaysa dayaca dhanka amniga qaranka, isagoo ku eedeeyay madaxda dowladda Federaalka inay ka dhega fureysteen talooyin muhiim ah oo la siiyay.
“Waxaa muuqata dayac iyo halis taabanaysa amniga qaranka, isla markaana madaxda dowladu ay dhegaha ka xirteen tallooyinka muhiimka ah,” ayuu yiri.
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag