October 7, 2025

Dowlada Turkiga oo ku guuleestay tijaabinta bambaano Cusub

Turkiga ayaa soo bandhigay tijaabada lagu guuleystay ee bambada ugu weyn ee taariikhda uu soo saaray, taasoo lagu magacaabo GAZAP oo ah bambo ay xambaari karaan diyaaradaha jiilka shanaad.

Bambadan Turkiga soo saaray, waxay leedahay awood saddex jibbaar ka sarreysa bambada MK-84 ee Mareykanka uu soo saaro oo ah bambada ugu weyn ee ay heysato Israa’iil, taa oo ah waxa ay ku dishay hoggaamiyayaashii iska caabinta Qasa iyo Lubnaan.

Waxaa la sheegay in GAZAP ay tahay bambo gaaraysa 2,000 rodol (qiyaastii 900 kiilo garaam), isla markaana loo adeegsaday farsamo thermobaric ah , taasoo ka dhigaysa mid qaraxeedu uusan ku ekeyn kaliya meel uu ku dhacay balse uu ku faafo hawo ahaan si baaxad leh.

GAZAP waxay awood u leedahay inay gebi ahaanba burburiso bartilmaameedka, iyadoo qaraxa hal mar abuuri kara kumanaan qaybood oo shucaac iyo cadaadis isugu jira, kuwaasoo ku faafa dhul dhan ilaa 500 mitir oo wareeg ah, lagana yaabo in ay gaaraan dhismayaal hoose ama godad ay ciidan ku jiraan.

Bambadan ma aha kaliya hub wax burburiya, balse sidoo kale waxay wadataa farriin istaraatiiji ah oo u diraysa cadawga: Turkiga wuxuu hadda leeyahay awood uu ku burburin karo meel kasta oo ay ciidan cadow ahi isku dayaan inay ku dhuuntaan, sida godad dhulka hoostiisa ah, kaymo iyo goobo si gaar ah loo dhisay oo difaac adag leh.

Dowladda Turkiga, waxa ay ku biirtay dalalka Ruushka,Shiinaha iyo Mareykanka oo heysta bambooyin dhalin kara qaraxyo ka fudud nukliyeerka, balse geysta burbur xoog leh.

W/Q Iman Jamac

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*