October 7, 2025

Maamulka Puntland: Dowlad Aadan Yabaal iyo Ceelasha Biyaha sharcigeedu ka fuli waayay miyuu ka fuli karaa Bareedo

Wasiirka Warfaafinta Puntland ayaa Yiri Dowladda Federaalka Soomaaliya in aysan lahayn awood ay Puntand kaga soo furan karto markabka hubka sida oo dhawaan lagu qabtay xeebaha Maamulka Puntalnd, kaasoo haatan uu baaritaan ku socdo.

Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir, oo maanta la hadlay warbaahinta, ayaa cambaareeyay hanjabaadda kasoo yeertay Dowladda Federaalka, isagoo sheegay in dowladda Federaalka looga baahan yahay awoodda iyo xoogga ay sheeganayso in ay ku wajahdo la-dagaallanka argagixisada weli haysta Aadan Yabaal iyo Masaajid Cali Gaduud.

Wasiirka warfaafintu wuxuu ku eedeeyay Dowladda Soomaaliya inay difaacayso Markab hub sida oo looga shakisan yahay inuu xiriir la leeyahay kooxaha argigixisada Daacish, isagoo wasiirku sheegay in ay tahay wax lala yaabo in Dowladda Federaalka sheegto in markabkaas uu sido badeeco.

“Markabkaasi hadii ay Dowladdi leedahay sharci dowladeed buu ku socon lahaa, waraaqaduu sidan lahaa. Markuu soo galayo biyaha Puntland wuxuu nala soo xiririi lahaa si loo caawiyo haddii uu dhibaato qabo,” ayuu yiri wasiirka warfaafinta Puntland.

Wasiirku wuxuu sheegay qodob kamid ah dastuurkeeda inuu siinayo awoodda ah in ay Puntland  masuul ka tahay baddeeda wixii soo gala.

“Dowlad waxay Dowlad ka tahay inta sharcigeedu ka fuli karo. Aadan Yabaal iyo Ceelasha Biyaha baa sharcigii dowladda Federaalku ka fuli waayay, ma Bareedu ka fulayaa?

Hadalka wasiirka Warfaafinta Puntland ayaa kusoo aadaya kaddib markii dhawaan Dowladda Federaalka ay ku hanjabtay inay qaadayso tallaabo haddii ay Puntland kusii adkaysato haysashada markabka Sea World ee hubka sida.

Puntland ayaa sheegtay in markabkaasi uu baaritaan ku socdo islamarkaasna la hubin doono cidda rasmiga ee iska leh shixnada hubka ah ee saaran.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*