
Dowladda Maraykanka ayaa maanta bayaan kooban oo ay soo saartay ayadoo ku xaqiijisay hawlgalkii ay si wadajirka u fuliyeen ciidamada Maamulka Puntland iyo kuwa Maraykanka ee lagu qabtay Madaxii Maaliyadda kooxda Argagixisada ee Daacish.

Bayaan ka soo baxay Taliska Ciidamada Maraykanka ee AFRICOM ayuu ku xaqiijiyay hawlgalkaasi wadajirka ah oo sida Maamulka Puntland shaacisay lagu qabtay Madaxii Maaliyadda Argagixisada Daacish ahaana wakiilka kooxda u qaabilsan Ajaanibta oo magaciisu yahay, Abdiweli Mohamed Aw Yusuf (Abdiweli Walalac).
Taliska AFRICOM oo warkan soo saaray ayaa sheegay in aysan sii dayn doonin Faahfaahin gaar ah oo ku saabsan Hawlgalkii shalay, si loo xaqiijiyo ammaanka xogta hawlgallada, balse wuxu sheegay in ay sii wadayaan tallaabooyinka lagu wiiqayo awoodda argagixisada Daacish, si looga hortago in ay fuliyaan weerarro ka dhan ah danaha Maraykanka iyo muwaadiniintiisa ku sugan dibadda.
Warkan ka soo baxay Maraykanka ayaa imaanaya, maalin kaddib markii Maamulka Puntland shaacisay in hawlgal wadajir ah, oo ay Mareykanka la kaashadeen ku qabteen Madaxii Maaliyadda Daacish, kaasi oo laga soo qabtay degaanka Laag ee degmada Xumbeys.
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag