October 7, 2025

DFS Ayaa ugu danbeyn ogolaatay in ciidamadda Itoobiya qeyb ka noqdaan howlgalka cusub ee AUSSOM

Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa is afgarad ku gaaray in ciidamada Itoobiya ay kamid noqdaan howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee AUSSOM.

Sidoo kale Arrintan  ayaa  timid ka dib socdaal ay ku yimaadeen muqdish Taliyaha Mileteriga Itoobiya, Birhanu Jula iyo Agaasimaha Sirdoonka dalkaasi, Ridwaan Xuseen  ayna kula kulmeen;Taliyaha Ciidanka Xoogga, Gen.Odowaa iyo Agaasimaha NISA, Cabdullaahi Sanbalooshe.

Labada dhinac waxa kale  ay ku hishiiyeen in la dardargeliyo heshiisyadii hore ee ciidan, iskaashiga amniga labada dal iyo guud ahaan gobolka.

“Labada dhinac ayaa ku hishiiyay in dowlada Itoobiya ay tixgeliso  madax-banaanida iyo wadajirka Soomaaliya” – Ayaa lagu yirhi war-saxaafadeed ay soo saareen labada dhinac.

Dhanka kale Socdaalka Taliska Itoobiya ayaa imanaya xilli madaxda DFS ay doonayaan in ay ciidanka Itoobiya ka beddelaan gobollada xuduudaha la ah dalkaasi, ka dib xiisaddii labada dhinac ee ka dhaxeeyay.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*