October 7, 2025

Dowladaha Soomaaliya iyo Azerbaijan Oo Iska Kaashanaya Maalgeshiga iyo Tamarta

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa wadahadal dhinacyo badan taabanaya kula yeeshay magaalada Baku, Ra’iisul wasaaraha Azerbaijan, Mudane Ali Asadov, oo diiradda lagu saarray kor-u-qaadidda xiriirka labo geesoodka, iyo ballaarinta iskaashiga dhinacyada horumarinta ee mudnaanta leh.

Sidoo kale kulanka intii uu socday Wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliya  Cabdisalaan ayaa uga mahadceliyay Ra’iisul Wasaaraha Azerbaijan soo dhoweynta diirran, isaga oo muujiyay sida uu u tixgelinayo kaalinta Baku ee xoojinta xiriirka, carabkana ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay hore-u-dhaqaajinta wax wadaag joogto oo faaiido u leh labada dal.

Dhankiisa, Ra’iisul wasaare Asadov ayaa caddeeyay in ay qiimo weyn ugu fadhido xoojinta xiriirka dalkiisu la leeyahay Soomaaliya, isaga oo carabaabay ku qanacsanaantiisa taageerro is-dhaafsiga labada dal ee fagaarayaasha caalamiga ee madallada ururrada adduunka.

Kulanka ayaa diiradda lagu saarray xoojinta xiriirka laba geesoodka ah, gaar ahaan dhinacyada ganacsiga, maal-gashiga, beeraha, adeegyada bulshada, tamarta cagaaran iyo mashaariicda bani’aadannimo.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*