October 7, 2025

Wasiir Fiqi oo Ku qaaday weerar afka Madaxweynaha Puntland, kuna eedeeyay kala qeybinta Qaranka

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi, ayaa si adag u dhaleeceeyay Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, isagoo ku eedeeyay inuu wado siyaasado lagu kala fogeynayo shacabka Soomaaliyeed iyo burburinta mabaadii’da federaalka.

 

Wasiir Fiqi oo hadal ka jeediyay Muqdisho ayaa sheegay in nidaamka federaalka uu yahay qaab maamul lagu dhiso dowladnimo wadaag ah, balse aysan mamnuuc ahayn in maamul goboleedyo gaar ah ay si khaldan u adeegsadaan nidaamkaasi si ay u daciifiyaan dowladnimada dhexe. “Federaalka waa nidaam maamulka lagu dhiso ee ma aha hub loogu adeegsado kala qeybinta shacabka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga.

Wasiir Fiqi ayaa si gaar ah uga falceliyay tallaabada maamulka Puntland ku qabsaday markab siday hub culus, kaas oo uu sheegay inuu si sharci ah ku marayay biyaha Soomaaliya.

Sidoo kale Waxa uu ku tilmaamay mid ceeb ku ah qaranimada iyo isku duubnida dalka in markab sharciyeysan loo arko qaniimo.“Ma aha wax lagu faano in markab sharci ku socda laga dhigo qaniimo, taasna waxay ka tarjumeysaa in la siyaasadeeyo ammaanka dalka,” ayuu yiri Fiqi.

Hadalka Wasiirka ayaa imaanaya iyadoo Puntland ay sheegtay in gacanta ay ku hayso markab hub culus sida, islamarkaana si sharci darro ah ugu soo galay biyaha hoostaga maamulka.

Arrintan ayaa sare u qaaday khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda dhexe iyo Puntland, xilli dalka uu wajahayey xaalado amni iyo mid siyaasadeed oo cakiran.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*