
Sida la sheegay Ku dhowaad saddexdii qof ee ku nool Marinka GaZa mid ka mid ah ayaa maalmo aan wax cunin, barnaamijka gargaarka cuntada ee Qaramada Midoobay ayaa ka digay.

“Nafaqo-xumada ayaa sii kordheysa iyadoo 90,000 oo haween iyo carruur ah ay u baahan yihiin daweyn degdeg ah,” ayaa lagu yiri warbixin ay soo saartay Hay’adda Cunnada Adduunka ee WFP.
Israa’iil oo gacanta ku haysa gelitaanka dhammaan sahayda Qasa, ayaa sheegtay in aanay jirin wax xannibaad ah oo ku aaddan in gargaarku soo galo dhulkaas, waxaanay Xamaas ku eedaysay nafaqo-xumo kasta oo jirta.
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag