October 7, 2025

Maamulka Jubbaland oo soo babdhigtay xarumihii maanta kala wareegeen Ciidanka DFS

Maamulka Jubbaland, ayaa soo bandhigtay xarunta degmada Balad Xaawo iyo xarumo kale oo ay maanta kala wareegeen ciidamo ka amar qaata dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ciidamada Jubbaland, ayaana guulo ka gaaray dagaal maanta ka dhacay qeybo kamid ah degmada Balad Xaawo, kaddib markii degmadaasi diyaarad uu ku tagay Cabdirashiid Janan oo dowladda Federaalka u magacawday madaxa amniga gobolka Gedo.

Xaalada degmada Balad Xaawo, ayaa hadda ah mid degan, waxaana inta badan xaafadaha degmada gacanta ku haya ciidamada Jubbaland , kuwaa oo isku sii fidiyay xarumo aan horey gacantooda ugu jirin.

 

      

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*