
Sida aan wararka ku heleeyno ayaa sheegaya Shirkii u dhaxeeyaya Madaxweeyne Xasan Iyo Mucaarada ay ka gaareen isfahan Horu dhac ah .

Sidoo kale shirka ahaa Mid u dhexeeya labada dhinac ayaa sheegaya in qodobka ugu weyb ee laga dooday uu ahaa Cutubka 4aad oo ah cutubka siyaasadda oo wax walba ku dhan yihiib, ayadoo ay xataa mucaaradka ku kala duwanaayeen qodobada qaar sida doorashada Madaxweynaha in lagu celiyo oo Baarlamaanka soo doorto, iyo in wax laga bedelo sida uu ku imaanayo Ra’iisul Wasaaraha ayna tahay in Baarlamaanka uu ceyrin karo.
Sida ay sheegeen qaar ka mid ah Xubnaha Mucaaradka ayaasheegaya in Madaxweynuhu ka laabanayo cutubka afaraad,
dhanka kale waxay ilo ku dhow dhow Madaxtooyada xaqiijiyeen in wixii tala soo jeedin ah ee ka yimid Mucaaradka, gaar ahaan cutubka afaraad uu Madaxweynuhu wadatashi kula laabanayo Hey’addaha ay quseyso, iyadoo wixii ka soo baxa uu dib ugu soo celinayo kulanka soo socda oo qabsoomi doono 10-ka bisha Agosto
Guud ahaan shirkii maanta ayaa u muuqday mid isku soo dhawaasho siyaasadeed ah in kastoo aan wali la xalin Qodobada la isku heeysto,.
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag