
Xafiiska xeer ilaalinta maamul goboleedka Puntland , ayaa bilaabay baaritaanno ku aadan markabkii hubka siday ee ciidamada Puntland qabteen, kaa oo la sheegay in maleeshiyaad hubeysan boobeen qaar kamid ah hubkii fududaa ee markabka saarnaa.

Xafiiska Xeer Ilaalinta Puntland, ayaa ku amray taliyaha booliiska Raascaseyr in uu keeno warbixin la xariirta iyo xogta dadkii fuulay markabka Sea Wolrd kana boobay hubkii saarmaa.
Maamulka Puntland waxaa saaran cadaadis kaga imaanaya dowladda Federaalka iyo dowladda Turkiga, waxaana Puntland laga dalbaday in dib usoo celiso hubka laga qaatay markabka soona fasaxdo markabka siday hubka iyo gaadiidka dagaalka.
Dhanka kale Madaxweeyne Saciid deni ayaa cadadis Xoogan kala Kulmaya Beesha Caalamka Sabatoo ah waxaa lagu Riixayaa in uu ka mid yahay kooxo ababulan oo burcad badeed ah inkastoo dowlada Imaaraatka Iyo Turkiga uu Xifaaltan Xoogan ka dhaxeeyo waxaa la sheegayaa in Imaaratka uu ku lug leeyahay Arrinkaan Balse hadii uu Hubka soo celin waayo Madaxweeyne Saciid Deni waxa uu naqayaa in kiiskaan lagu soo taago maxkamad Caalami ah.
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag