October 7, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madasha Mucaaradka oo maanta markale kulmaya

Sida ay Wararka Sheegayaan Waxaa maanta markale lagu wadaa in madaxtooyada Soomaaliya kulan ku wada yeeshaan madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo xubnaha Mucaaradka ee ku midoobay madasha Samatabixinta Soomaaliyeed.

Kulankaan ayaa ah ujeedkiisa in madaxweyne Xasan Sheekh uu dhageysto tabashada xubnaha Mucaaradka ah, waxaana kulankaani maanta dhacaya horay ugu balameen labada dhinac wareegii labaad ee wada hadalladooda ee soo dhacay 3-dii bishaan Luulyo.

Xubnaha Madasha Mucaaradka ah ayaa waxaa hoggaaminaayo Madaxweynihii hore ee dalka Shariif Shiikh Axmed, waxaana wehlinaya Raysal wasaarayaashii hore, guddoomiyaashii, madax kale iyo siyaasiyiin caan ah.

Shirka maanta dhexmari doona madaxda Mucaaradka iyo madaxweyne Xasan Sheekh ayaa lagu lafa guri doona doodaha la xiriira dhammeystirka Dastuurka iyo arrimaha doorashooyinka dalka.

Dhanka kale Lama oga natiijada rasmiga ah ee kasoo bixi karta shirkaan oo ah mid si weyn indhaha ugu wada hayaan Shacabka Soomaaliyeed iyo dowladaha daneeya arrimaha Soomaaliya.

Ugu dambeyntii shirkaan oo ah kii sadaxaad ayaa ku soo aadaya, iyadoo maamulada Puntland iyo Jubbaland ay diidan yihiin nidaamka wax ka badalka Dastuurka dalka iyo jiheynta doorashooyinka.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*