October 7, 2025

Kumaandooska Danab Oo Howlgal Ku Dilay Horjoogayaal iyo Maleeshiyaad Ka Tirsan Al-shabaab ka fuliyay Jubbada Hoose

Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in howlgalka lagu bartilmaameydsaday horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab oo ku sugnaa deegaanka Harboole.

Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya ayaa Warsaxafadeedka ku sheegtay in howlgalka in khasaare dhimasho iyo dhaawaca leh lagu gaarsiiyay saraakiil sar sare iyo xubno ka tirsan maleeshiyaadka kooxda Al-shabaab.
Waxaa Fuliyay Howlgalkaasi Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed,  gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Danab  kana  fuliyay deegaanka Harboole ee gobolka Jubbada Hoose.

Si kastaba ha ahaatee Warsaxafadeedka kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga laguma shaacin magacyada saraakiisha sar sare ee lagu dilay howlgalka iyo tirada guud ee rasmiga ah ee kooxda looga dilay, hayeeshe waxaa qoraalka Wasaaradda lagu xusay in dib laga soo faahfaahin doono khasaaraha dhabta ah.

Ugu dambeyntii maalmihii la soo dhaafay ciidanka xoogga dalka ayaa si weyn u kordhiyay howlgalada ka dhan ah Al-shbaab ee ka socday gobolada dalka, gaar ahaan gobolada ku yaala deegaanada maamulada Jubbaland, Koonfur Galbeed,  iyo Hirshabeelle.

Hoos ka akhriso Warsaxafadeedka Wasaaradda Gaashaandhigga oo dhameystiran:-

 

 

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*