October 7, 2025
  • HOME
  • WARKA
  • ARIMAHA CIYAARAHA
  • ARIMAHA DIINTA & BULSHADA
NEWS
  • [ October 7, 2025 ] Madaxweyne Xasan oo Xamze iyo Xoosh faray in mudo bil ah lagu dhiso Jubaland cusub WARKA
  • [ October 7, 2025 ] Madaxweynaha Soomaaliya oo si Rasmi ah u Furay Shirweynaha 2-aad ee Iskaashiga Bulshada Bariga Afrika WARKA
  • [ October 7, 2025 ] Hay”adda NISA oo sheegtay in 7 xubnood oo Alshabaab ah lagu diley howlgal ka dhacay deegaanka Basra WARKA
  • [ October 7, 2025 ] Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib-u-dhiska”Muqdisho Waxa aan u sameeyn Donaa Meel ay Biyaha Maraan” WARKA
  • [ October 7, 2025 ] Midowga Afrika oo ku baaqay in la kordhiyo taageerada Soomaaliya kaddib weerarkii Al-Shabaab ee Godka Jilacow WARKA
HomeWARKAGuddoomiye Muungaab Iyo saraakiisha Amniga iyo Gudiga maaliyada Oo kahadlay furista wadooyin xiran Muqdisho.

Guddoomiye Muungaab Iyo saraakiisha Amniga iyo Gudiga maaliyada Oo kahadlay furista wadooyin xiran Muqdisho.

July 18, 2025 CEELBARAF WARKA 0

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Dr Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa shir guddoomiyay kulan looga hadlayay sidii loo furi lahaa waddooyinka degmada Shangaani ee ku xirmay dhagaxyada laga ilaaliyo xarumaha Bangiga Dhexe iyo Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, si dhowaan dib-u-dhis loogu sameeyo.

Kulanka waxaa goobjoog ku ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda, Guddoomiyaha Bangiga dhexe iyo taliyaasha qeybaha Gobolka Banaadir ee Booliska iyo Nabad Sugidda, waxaana lagu lafa-guray sidii amniga Xarumaha dowladda loo ilaalin lahaa, sidoo kalane loo furi lahaa waddooyinka xiran si dib loogu dhiso oo shacabku u helaan jidad ay maraan.

Guddoomiye Muungaab iyo mas’uuliyiinta kale ayaa isku afgartay in la furo waddooyinka xiran si dib loogu hawlgaliyo, waxaana kulanka lagu meelmariyay qorshe amni oo uu Maamulka Gobolka Banaadir soo bandhigay, kaas oo suurtogalinaya in waddooyinka xiran la hawlgaliyo oo dib loo dhiso iyadoo amniga xarumaha muhiimka ah ee goobta ka dhawna la ilaalinayo.

Dr Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa tan iyo markii uu xafiiska yimid waxa uu ku guuleystay dhagax-dhigga mashaariic lagu dhisayo waddooyin badan, kuwaas oo qaarkood muddo dheer u xirnaa burbur iyo dhagaxyo lagu jaray dartood.

 

Previous article
Next article

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag Cancel reply

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*

*


RIIX HALKAAN HOOSE KA DHAGEEYSO QUR,AANKA

KALA SOCO TAFSIIRKA QUR"AANKA 114 SHEEKH MAXAMUUD OW CABDULE CARIIF

HALKAAN HOOSE RIIX

Copyright © 2024 Ceelbaraf.com