
Sida uu Maanta sheegay Madaxweeynaha Dowlada Federalka Somaliya in ay jirto Halis wayn iyo caqabad ay soo wajahday markabka Turkiga ee Oruç Reis ee haatan shidaal baarista ka wada xeebaha Soomaaliya, sida uu shaaciyay madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta ka hor hadlayay baarlamaanka dalka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in qashin badan oo lagu daadiyay badeenna ay caqabad ku noqdeen howlaha baarista ee shidaalka Soomaaliya, wuxuuna tilmaamay in warbixinnada lala soo wadaagay ay muujiyaan halis wayn oo ka taagan arrintaasi.
“Qashinkii laga soo saarayay badda iyo sida loo soo saarayay ayay muuqaallo kasoo duubeen waxaa qashinkaasi ugu badan ma ah mida kiimikada iyo sunta aan ka qaylin jirnay laakiin waxaa ugu badan qalabka lagu kalluumeysto oo badda dhexdeeda looga tegay shabaag iyo qalab ku xiran waayay” ayuu yiri madaxweynuhu.
Madaxweeyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in qashinka uu u badanyahay qalab kalluumeysiga oo looga tegay badda, kuwaas oo uu tilmaamay in aa laga ogoleyn caalamka, balse marka ay maraakiibta shisheeye ku jalaabteen ay isaga tageen.
“Sabab waxaa waayay markabka marka uu kalluumeysto waa inuu kalluunka uu qaadaa oo dekado caalami ah geeyaa dekadaha caalamiga ah lama tegi karo qalabkaan uu meesha iska dhigay waa qalab mamnuuc ah ka ah caalamka in lagu kalluumeysto , si aanan dambi loogu qabsan, wuxuu uga tegay baddeenna” ayuu hadalkiis sii raaciyay.
Sidoo kale Waxaa uu yiri “Arrintaas waa arrin aad iyo aad u xanuun badan, ee ma aha dadkaas inay qaadanayaan khayraadkeena waxay sameynayaan arrintaas xanuunka badan” ayuu sii raaciyay.
Dhinaca kale madaxweynaha ayaa tilmaamay in howsha weli ay socoto, isla markaana uu fulayo heshiiska shidaalka ee ay lasoo galeen Turkiga, si horay loogu dhaqaajiyo.
Si kastaba ha ahaatee Soomaaliya ayaa haatan isku diyaarineyso inay ka faa’ideysato khayraadka uu Alle ku maneystay, waxayna heshiisyo maalgashi ah lasoo gashay dowlado waa wayn.
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag