
Wararka ayaa sheegaya In duqeymo culus la beegsadeen maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab, kuwaasi oo ku sugnaa Gobolada. Jubbada Dhexe iyo Shabeellada Hoose.

Duqeynta ayaa la sheegay in lagu qaaday dhowr xarun ah oo Argagixisada ay ku laheyd degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe, waxaana lagu khaarijiyay horjoogayaal sare sare oo ka tirsan Maleeshiyaadka Al-shabaab.
Xogta ayaa sheegaysa in duqeynta uu ku dhaawacmay Maxamed Maxamuud (Suldaan ) oo ah horjoogaha guud ee Argagixisada iyo ilaaladiisa.
Wararka ayaa intaasi ku daraya duqeyn kale ay ka dhacday xarun ay ku sugnaayeen Ajaanib ka tirsan Argagixisada, waxaana la sheegay in horjoogayeyaashii ajaanibta ahaa halkaasi lagu dilay, sidoo kale waxaa ku dhintay waxa ay Al-shabaab ugu yeeraan waaliga, kaasi oo ahaa waaligii hore ee degmada jilib Sheekh Cali Jiis.
Macluumaadka ayaa sheegaya degmada Kuntuwaareey ee Gobolka Shabeelada Hoose lagu burburiyay Xarun qaraxyada lagu kaydiyo ee ku taala degmadaasi, waxaana la helay xog sheegaysay in qaraxyadan loo soo waday Magaalada Muqdisho, balse Gantaal culus lagu dhuftay.
Dhanka kale Ilo wareedyo ayaa sheegay in duqeyn lagu dilay Horjoogayaal maleeshiyada u qaabilsan dhinaca Milatariga, kuwaasi oo la tilmaamay in kooxda ay u qaabilsanaayeen arrimaha dagaalka gobolada Shabeelada hoose iyo ilaa Galgaduud.
Xogta ayaa sheegaya in saraakiisha la dilay ay ka mid ahaayeen:-.
Aadan Dhere Abuu Cali , kaasi oo la sheegay inuu qaabilsanaa qayta qorsheynta, Daahir Colow Abu Xaydar oo isna ahaa madaxa howlgalada, Kamaal Xasan Abu Daariq wuxuu qaabilsanaa qeyta lojistikada, Mukhtaar Oday Murux Amiirkii guud ee ciidamada gobolka Shabeellada hoose, Xasan Cayrow oo isna ahaa madaxa Qorshaynta, iyo Mursal Cali Sadiiq Amiirkii amniga milatariga gobolada Shabeelada Hoose iyo Shabeellada Dhexe.
Duqeynta ayaa la sheegay in lagu dhaawacay saraakiil sare oo ka tirsan maleeshiyaadka Al-shabaab, waxaana ka mid ahaa, Nin magaciisa lagu soo koobay Tabliiq, Kaasi oo ahaa Amiirka kooxda ee haysata maleeshiyada ku sugan Hiiraan, Yusuf Cali Ugaas oo ahaa Amiirkii hore ee Maleeshiyada Jabahada Hiiraan hadana ah waxa ay ugu yeeraan Waaliga Gobolka Hiiraan iyo Xuseen Axamad Abu Jaabir, kaasi oo ahaa gacanyaraha ama ku xigeenka waaliga gobolka Shabeelada Dhexe kaba ku tukade.
Waa duqeyntii ugu cusleyd oo lagu qaado maleeshiyaadka Al-shabaab, Islamarkaana laga dilo horjoogayaal Intan la eg.
Dhowr jeer ayaa maleeshiyaadka Al-shabaab waxaa duqeyn lagula beegsaday degmooyin iyo deegaano ka tirsan Gobolka Jubbada Dhexe.
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag