October 7, 2025

Abaanduulihii Ururka 64-aad Oo Ku Geeriyooday Qarax Miino Oo Ka Dhacay Afgooye.

Wararka Laga Helayo  degmada Afgooye ayaa sheegaya in qarax miino uu maanta ka dhacay xero ciidan oo ku taala degmadaasi, waxaana ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Allaha u naxariistee Dhame Maxamuud Saleebaan Salaad oo ahaa Abaanduulihii ururka 64aad, ayaa ka mid noqday dadka ku geeriyooday qaraxii saaka ka dhacay gudaha xerada guutada 7aad oo ku taala degmada Afgooye ku taala, sida ay goobjoogayaal u sheegeen Risaala.

Sidoo kale labo ka mid ah ilaaladiisa ayaa wax ku noqday, sida ay wararka sheegayaan.

Dhanka kale Ilaa iyo hadda waxaan la ogeyn sababta keentay in qaraxa ka dhaco gudaha xerada iyo xogta ka dambeysay qaraxaasi, iyadoona warar kala duwan ay ka soo baxayaan geerida sarkaalkaasi.

Ciidamada ayaa baaritaano xoog leh wado, sidoo kale saraakiil ciidan ayaa tagay gudaha saldhiga.

Ma Jiro weli wax faahfaahin ah oo ka soo baxay maamulka degmada Afgooye iyo taliska Milateriga Soomaaliya.

Degmada Afgooye ayaa inta badan sidan oo kale waxaa ugu dhaco qarax, kaasi oo khasaare ka soo gaara dadka shacabka iyo ciidamada.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*