October 7, 2025

Wasiirka Amniga Oo Sheegay In ay Socdaan Qorshe Dib Loogu Furayo Waddoyinka Muqdisho

Wasaaradda Arrimaha  amniga ee Dowlada  Federaalka Soomaaliya ayaa bilaawday qorshe dib loogu furayo wadooyinka xiran ee ku yaala gudaha magaalada Muqdisho, si meesha looga saaro culeyska iyo ciriiriga ay wajahayaan shacabka iyo gaadiidleyda ku nool magaalada Muqdisho.

Wasiirka amniga gudaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa kulan la qaatay guddiga loo xilsaaray in xal ka gaaraan Culeeyska iyo ciriiriga ka jira wadooyinka magaalada Muqdisho, Guddigaasi oo  la wadaagay warbixino la xariira xalka wadooyinka xiran Wasiirka Amniga-

Guddigan oo ka kooban Hay’addaha amniga, maamulka gobolka Banaadir iyo dowladda Federaalka ayaa wasiirka u soo bandhigay dhibaatooyinka ka dhasha ciriiriga gaadiidka ee waddooyinka Muqdisho iyo sidii qiimeyn rasmi ah loogu sameyn lahaa wadooyinka xiran si dib loogu furo.

Wasiirka amniga gudaha Soomaaliya ayaa faray guddigan iney si degdeg ah u bilaabaan howlaha, islamarkaasna soo diyaariyaan qorshe lagala soo tashaday hay’adaha amniga, gaadiidka, iyo maamulka degmooyinka gobolka Banaadir.

Dhanka kale   In dib loo furo wadooyinka xiran ayaa imaanaya, iyadoo mudo dhowr sano ah xiran yihiin wadooyinka loo yaqaan Jid cadayaasha Magaalada Muqdisho oo ay ku go’an dhagaxyo waa weyn, waxaana talaabadaasi horay dowladda u sheegtay iney la xariirto sidii loo xaqiijin lahaa Amniga guud ee magaalada Muqdisho. 

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*