
Madaxweynaha Masar, Abdel Fattah el-Sissi, ayaa sheegay in dalkiisu uu si adag uga hortagi doono isku dayga Itoobiya ay ku doonayso inay marin badeed uga hesho Badda Cas, isagoo sidoo kale ballanqaaday in la dedejin doono tababarka iyo qalabeynta ciidamada Soomaaliya ee ka hortaga Al-Shabaab.

El-Sissi oo shir jaraa’id ku qabtay Masar kadib wada-hadallo uu la yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku nuuxnuuxsaday in Masar aysan aqbali doonin wax tallaabo ah oo halis gelin kara madax-bannaanida Soomaaliya ama ammaanka marin-biyoodka Badda Cas, oo ah waddo muhiim ah oo uu maraayo ku dhowaad 10% ganacsiga caalamiga ah.
Digniintaasi waxay timid kadib markii Itoobiya ay bishii Janaayo 2024 heshiis is-afgarad la saxiixatay maamulka iskiis ugu dhawaaqay madax-bannaanida ee Somaliland, kaasoo Itoobiya siinaya saldhig ciidan iyo deked ganacsi, iyadoo beddelkeedana ay suurtagal tahay in ay aqoonsato Somaliland. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa heshiiskaas ku tilmaantay mid sharci-darro ah, halka Masar ay sheegtay inuu halis ku yahay marin-biyoodka Suez Canal.
Madaxweeyne El-Sissi wuxuu xusay in heshiis difaac oo Masar iyo Soomaaliya kala saxiixdeen bishii Agoosto 2024 uu horseeday tababar iyo hubeyn loo sameeyo cutubyo khaas ah oo Soomaaliya ah. Wuxuu intaa ku daray in barnaamijkaasi la dardargelin doono, isla markaana ciidamo Masri ah ay ka qeyb qaadan doonaan howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee xasilinta Soomaaliya, marka maalgelin caalami ah la helo.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa soo dhoweeyay ballanqaadka Masar, isagoo sheegay in “ciidamo Soomaaliyeed oo xooggan ay albaabka u xiraan faragelin shisheeye.”
Inkastoo Itoobiya aysan lahayn marin badeed tan iyo markii Eritrea ay ka go’day sanadkii 1993, haddana Addis Ababa waxay si joogto ah u raadineysay marin toos ah si ay u dhimato kharashaadka dhoofka ee 120 milyan oo muwaadiniin ah. Tallaabadaasi waxay ka mid tahay is-riix-riix siyaasadeed oo gobolka ka socda, iyadoo sidoo kale ay jirto khilaaf kale oo u dhexeeya Itoobiya iyo Masar oo la xiriira biyo-xireenka weyn ee Nile (GERD).
Labada Madaxweyne waxay sidoo kale isla garteen in la ballaariyo iskaashiga ganacsiga, kalluumeysiga iyo tamarta, balse ammaanka uu sii ahaanayo udub-dhexaadka wada-shaqeynta. Waxay qorsheynayaan inay cadaadis saarayaan Ururka Jaamacadda Carabta iyo Midowga Afrika si loo diido heshiiska Itoobiya-Somaliland marka shirarkooda sanadlaha ah la qabto dabayaaqada sannadkan.
Dhinaca kale, Itoobiya waxay hadda u gudbisaa in ka badan 90% badeecooyinkeeda dekedda Djibouti, iyadoo Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed ay weli ku sugan yihiin ilaalo caalami ah oo la dagaallama burcad-badeedda iyo ilaalinta maraakiibta shidaalka ee u kala gooshta Yurub iyo Aasiya.
Masar iyo Soomaaliya waxay wadaagaan xiriir qoto dheer oo diin, dhaqan iyo waxbarasho leh. Magaalada Qaahira waxaa deggan kumannaan arday Soomaaliyeed oo qaata deeqo waxbarasho iyo tababar ciidan, waana xiriir labada Madaxweyne ay ku heshiiyeen in loo beddelo iskaashi istiraatijiyadeed oo dhammeystiran.
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag