October 7, 2025

Madaxweynaha Jubaland oo Booqasho Dhiirigelin ah Ku Tegay Ciidamada Gurmadka iyo Danab

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa maanta booqasho dhiirigelin iyo dhiirrigelin qaran ah ku tegay Ciidamada Gurmad Qaran ee Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Jubaland, iyo sidoo kale cutubyo ka tirsan Kumaandooska Danab, kuwaas oo howlgallo guul leh ka fuliyay qaybo badan oo Jubaland ka mid ah.

Howlgalladan ayaa lagu burburiyay saldhigyo muhiim ah oo ay lahayd kooxda Khawaarijta Al-Shabaab, iyadoo sidoo kale la fashiliyey qorshayaal halis ku ahaa nabadda iyo amniga shacabka Jubaland.

Madaxweynaha Jubaland ayaa si qoto dheer u bogaadiyay geesinimada, kartida iyo naf-hurnimada ay muujiyeen ciidamada, isagoo xusay masuuliyadda weyn ee ay u hayaan difaaca dalka, dadka iyo dastuurka.

“Guulaha laga gaaray howlgaladan waxay astaan u yihiin adkaysiga ciidamada iyo kalsoonida shacabka. Waxay shacabka Jubaland iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed siiyeen farxad iyo yididiilo cusub,” ayuu yiri Madaxweyne Axmed Madoobe.

Madaxweynuhu waxa uu hoosta ka xarriiqay baahida loo qabo in la sii dardar geliyo howlgalka lagula dagaallamayo kooxaha Khawaarijta, si dalka looga ciribtiro kooxaha argagixisada ee cadowga ku ah horumarka, nabadda iyo midnimada Soomaaliya.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*