October 7, 2025

Madaxweynaha Puntland Oo Hawada u Mariyay hanjabaad SSC-KHAATUMO

Madaxweynaha Maamulka  Goboleeda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ka hadlayay xaaladda gobolka Sanaag ayaa sheegay inay deegaankaas taladiisu taallo Puntland, asagoo masuuliyiin Sanaag ka soo jeeda ee DFS ku jira ugu baaqay inay qabtaan Shaqooyinka xaafiisyadooda yaalla.

Sidoo kale Deni wuxuu si adag ula hadlay SSC-KHAATUMO asagoo sheegay in haddii ay Puntland ka tagayaan aysan qaadan karin gobol kale oo maamulkaas ka tirsan, islamarkaana ay deegaankooda ku ekaadaan.

Madaxweynaha Puntland wuxuu hadalkiisa raaciyay hanjabaad ah in haddii SSC-Khaatumo ay deegaannadeeda ku ekaan wayso ay la kulmi doonto tillaabo aan ayaga iyo Puntlandba dani ugu jirin.

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli maalmihii la soo dhaafay ay gobolka Sanaag ka socdeen dhaqdhaqaaqyo is diidan oo ay wadeen dhinacyo kala taageersan Puntland iyo SSC-KHAATUMO oo ka garab ka helaysa DFS.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*