
Faahfaahin laga Helayo Banaanbaxyadii ka socday dalka keenya ayaa sheegaya ii uu ka dhashay Khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac, Kadib markii ay shalay ka dhaceey Banaanbaxyo magaalooyin badan oo katirsan dalka Kenya, waxaana dibadbaxaasi looga soo horjeeday dowladda uu hoggaamiyo William Ruto.

Inta la xaqiijiyay 11 qof oo kamid ahaa dadkii dhigayay dibadbaxyada ayey toogteen laamaha amaanka dalka Kenya, halka dhaawacyo intaasi ka badan ay jiraan.
In ka badan 50 askari oo katirsanaa ciidamada booliiska Kenya , ayaa sidoo kale lagu dhaawacay rabshadihii xooganaa ee shalay ka dhacay dalka Kenya, waxaana suurto gal ah in khasaaraha inta hadda La ogyahay ay kasii badan karaan Hadii uu sii socdo Banaanbaxa.
Dibadbaxyadii shalay ruxay dalka Kenya oo loogu magacdaray Saba Saba, ayaa sidoo kale sababay in booliiska xiraan dad ka badan 500 qof oo qeyb weyn ka ahaa rabshadaha dhiigga badan ku daatay ee shalay ka dhacay dalka Kenya.
Kooxaha hormuudka u ah dibadbaxyada Kenya, ayaa dowladda ku eedeeyay dilal iyo dhibaatooyin kale, waxa ayna sheegeen in ay sii wadi doonaan dibadbaxyada ka dhanka ah dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Ruto.
Si kastaba ha ahaatee dowlada keenya ayaa ku dadaaleeysa in uusan amaanka faraha ka bixin balse kooxa mucaaradka ayaa doonaya in ay geeystaan dhac iyo dhibaatooyin kale ayagoo doonaya in ay boobaan hantida somaliyeed ee ku sugan Xaafada ISLII NAIROBI KEENYA
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag