October 7, 2025

Maxaa Ka Socda Magaalada Laascaano ee Maamul u sameeynta SSC Khatumo?

Sida ay sheegayaa wararka laga helayo Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool in ay  martigelin doonta ergadii ugu horreysay ee ka socota beelaha gobolka Sanaag iyo deegaanada SSC-Khaatumo, kuwaas oo ka qeyb galaya shirka lagu dhameystirayo dhismaha maamulka SSC-Khaatumo, shirkaas oo si rasmi ah u furmi doono 10-ka bishan Luulyo.

Sidoo kale Ergooyinkan ayaa isugu jira siyaasiyiin, waxgarad, odayaal dhaqameed, iyo wakiillo bulshada rayidka ah oo ka kala socda deegaannada hoostaga SSC, gaar ahaan gobolka Sanaag.

Dhinaca kale Waxaa lagu wadaa in maalmaha soo socda ay Laascaanood gaaraan ergooyin dheeraad ah oo matalaya qaybaha kale ee bulshada iyo siyaasiyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ee ka soo jeeda deegaanada SSC Khaatuma.

Dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed ee ka socda magaalada Laascaanood ayaa si weyn loo dareemayaa, iyadoo waddooyinka muhiimka ah, xarumaha martida iyo hoolalka shirarka ay buux dhaafiyeen dadkii ka kala yimid gobollada SSC.

Dhanka kale Amniga magaalada ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana ka howlgala ciidamo deegaanka ah oo hoos taga maamulka SSC-Khaatumo.

Shirkan ayaa lagu wadaa in uu noqdo mid go’aano muhiim ah laga gaarayo dhameystirka maamulka SSC-Khaatumo.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*