October 7, 2025

Mamulka Puntland Oo Mamnuucay Shirar Lagu Taageerayo SSC Khaatumo lagu qabto gobolka Sanaag

Sida ay Sheen Maamulka Puntland in ay mamnuuceeyn qabashada shirar aan oggolaansho laga haysan maamulka gobolka Sanaag oo lagu taageerayo maamulka SSC Khaatumo

Qoraal uu maamulka soo saaray ayaa si cad u faraya in la joojiyo dhammaan shirarka aan maamulka oggolayn ee lagu qabanayo magaalooyinka gobolka Sanaag. Waxa sidoo kale digniin adag loo diray cid kasta oo qayb ka noqota shirar aan la fasixin.

Qoraalka ayaa si gaar ah u xusay in mamnuuc laga dhigay in hoolalka iyo hoteelada gaarka loo leeyahay lagu qabto shirar aan maamulka oggolayn. Tallaabadan ayaa qayb ka ah sida uu maamulka Gobolka Sanaag sheegay dadaallada Puntland ay ku doonayso in ay kusoo celiso kala dambeynta iyo xasiloonida gobolka.

Dhinaca kale, maamulka Puntland ayaa sheegay in gabi ahaanba la mamnuucay in gudaha gobolka Sanaag ay ka howlgalaan gawaarida aan wadan taarikada Puntland, gaar ahaan kuwa wata taarikada Somaliland ama SSC, taasoo uu maamulku sheegay in ay halis ku tahay ammaanka.

Go’aankaan ayaa kusoo beegmaya, kaddib markii siyaasiyiin kasoo jeeda gobolka Sanaag ay isku dayayaan inay qabtaan shir lagu taageerayo in gobolka Sanaag uu ku biiro maamulka SSC Khaaatumo, islamarkaasna lasoo dhoweeyo shirka dhawaan ka qabsoomidoona magaalada Laascaanood ee dhameystirka maamulka SSC Khaatumo.

Madaxtooyada Puntland ayaa ciidamo isugu jira Daraawiishta iyo PMPF u dirtay gobolka Sanaag, si ay uga hortagaan dhaqdhaqaaqyada siyaasiyiinta gobolkaas kasoo jeeda ay wadaan.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*