
Maamulka Puntland ayaa eedeeyn Culus u jeedisay Dowladda Federaalka Soomaaliya inay faragelin qaawan ku hayso xasilloonida iyo midnimada Puntland, iyadoo sheegtay in masuuliyadda wixii khasaare ah ee ka dhasha qalalaasaha ka taagan gobolka Sanaag ay dusha ka saaran tahay Dowladda Federaalka Somaliya.

Sidoo kale Sarkaal sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland ayaa sheegay in Puntland si dhow ula socoto dhaq-dhaqaaqyada Wasiirka Ganacsiga ee Dowladda Federaalka, Maxamuud Axmed Aadan (Geesood), kaasoo shalay tegay magaalada Laascaanood.
Maamulka Puntland ayaa ku eedeysay in loo adeegsanayo wasiirka sidii qalalaase siyaasadeed iyo mid amni looga abuuri lahaa gobolka Sanaag. Waa sida ay sheegeen Puntland.
Sidoo kale Sarkaalkan ayaa sheegay in ciidamada Puntland ay si buuxda u xaqiijiyeen amniga deegaanka Ceelbuh, isla markaana siyaasiyiin uu ku eedeeyay inay halkaas ka wadeen abaabul ka dhan ah Puntland ay halkaas isaga baxeen.
Xalay saqdii dhexe, guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland, Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, oo ay weheliyaan ciidamo uu hoggaaminayo, ayaa ka baxay deegaanka Ceelbuh. Waxaana la sheegay in halkaasi uu ka socday dhaqdhaqaaq la doonayay in lagu qabto shir lagu taageerayo ku biirista gobolka Sanaag ee maamulka SSC-Khaatumo.
Wasiirka Ganacsiga Soomaaliya Maxamuud Geesood, oo kasoo jeeda gobolka Sanaag, ayaa la sheegay inuu baajiyay safarkiisii Ceelbuh kaddib markii xalay halkaasi ay si buuxda ula wareegeen ciidamada Puntland.
Dhanka kale Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wada dadaallo ku saabsan sidii gobollada Sool, Sanaag iyo Buuhoodle ay u dhisan lahaayeen maamul mideysan oo hoos yimaada Dowladda Federaalka.
Inkastoo ay si adag uga soo horjeeda Puntland oo aaminsan in gobolladaasi ay yihiin qeyb ka mid ah dhulka Puntland. Maamulka Puntland ayaa diidan In maamulka SSC Khaatumo loo aqoonsado maamul Goboleed.
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag